Kilmar Abrego Garcia, oo 29 jir ah, oo asal ahaan ka soo jeeda El Salvador, oo si khalad ah looga masaafuriyey gobolka Maryland bishii Maarso 2025, inkasta oo maxkamad Mareykan ah
ay horay u joojisay musaafurintiisa sanadkii 2019 sababo la xiriira cabsi laga qabo in la dhibaateeyo haddii uu ku laabto dalkiisa.
Kadib masaafurintaas, waxaa lagu xiray Kilmar xabsiga ugu xun dunida uguna cabsida badan ee CECOT ee El Salvador, hase yeeshee waxaa si degdeg ah loogu soo celiyey Mareykanka kadib markii la soo saaray amar xiritaan ah .
Kilmar Garcia ayaa hadda wajahaya eedo culus oo la xiriira tahriibinta dad sharci-darro ku galay Mareykanka muddo 10 sano ah. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay in dad badan – oo ay ku jiraan caruur iyo xubno lala xiriirinayo kooxda MS-13 – laga soo raro Texas loona gudbiyo gobollo kale oo Mareykanka ah.

Kilmar Difaaciisa, qareenkiisa Simon Sandoval-Moshenberg ayaa sheegay in Garcia lagu eedeeyay dambi aan caddayn lahayn, isagoo ku eedeeyay dowladda inay ku xadgudubtay xuquuqdiisa.
Kilmar Qareenka hore oo ka tirsanaa dacwaddan, Ben Schrader, ayaa is-casilay isagoo sheegay in dacwadda ay leedahay dano siyaasadeed.
Kilmar Garcia ayaa horey uga noolaa Maryland isaga oo la joogay xaaskiisa iyo caruurtiisa. Qoyskiisu waxay diideen eedeymaha sheegaya in uu xiriir la leeyahay kooxaha dambiyada ka gala mareykanka.