Elon Musk, oo ah maalqabeenka ahna madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa si adag u cambaareeyay sharci-miisaaniyadeed cusub oo ay taageerayaan Madaxweyne Donald Trump iyo Xisbiga Jamhuuriga, isaga oo ku tilmaamay “fadeexad xun oo laga naxo.”
Wuxuu ku qoray bartiisa X (horey Twitter):
“Waan ka xumahay, laakiin ma sii aamusnaan karo. Sharci-miisaaniyaddan aadka u weyn, oo buuxda oo lacag-loot ah waa fadeexad. Kuwa ansixiyayna waa inay ka xishoodaan.”
Elon Musk wuxuu si cad uga digay in sharcigan uu khatar ku yahay mustaqbalka dhaqaale ee Mareykanka. Inkasta oo qaar siyaasiyiinta ah ay difaacayaan sharciga, haddana dad badan waxay qabaan walaac ku saabsan dayn korodhay iyo culays dhaqaale oo sii kordhaya.