Ukraine ayaa diiday soo jeedinta Putin ee shirwaynaha Moscow, sarkaal ayaa yidhi
Ukraine La taliyaha Volodymyr Zelensky ayaa BBC-da u sheegay in Ukraine “ay isla markiiba diiday” soo jeedinta Vladimir Putin ee ah in labada hoggaamiye ay ku kulmaan Moscow.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa goor sii horeysay sheegtay in Putin uu soo jeediyay in Zelensky uu kula kulmo caasimadda Ruushka markii uu Isniintii la hadlay Donald Trump.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa baaq aan horay loo sii qorshayn u diray Putin iyadoo weli ay socoto booqashadii Zelensky ee Aqalka Cad, iyadoo intii uu socday looga hadlay rajada laga qabo in ay kulmaan hoggaamiyeyaasha is haya.

Lataliyaha madaxweynaha Ukraine Dmytro Lytvyn oo wax laga waydiiyay warbixinta ku saabsan in Putin uu soo jeediyay shir madaxeedka Moscow, ayaa BBC u sheegay: ” falcelin noocee ah ayaad naga filaysaa?
“Wuxuu yidhi, isla markiiba dadkii oo dhammi way diideen, shalayna hore ayaannu u dhaafnay.