siyaasada soomaaliya ? Soomaaliya iyo Wareegga Xanuunka leh ee Siyaasadda: Yaa Ka Mas’uul ah?
Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka waxay muddo dheer ku jireen faragelin siyaasadeed oo toos ah iyo mid dadban oo ay ku hayaan dalal badan oo dunida saddexaad ka tirsan. Markasta oo dal uu isku dayo inuu horumar dhab ah sameeyo, gaar ahaan dhinaca madax-bannaanida iyo dhisidda dowlad xooggan, waxay la kulmaan cadaadisyo dibadeed. Waxaa cad in dalal badan ay si cad uga dhiidhiyeen faragelintaas, kuna guuleysteen inay dantooda gaaraan iyaga oo aan eegin wax laga yeelayo.

Soomaaliya, nasiib darro, waxay weli ku jirtaa wareeg siyaasadeed oo aan wax horumar ah horseedin. Laga soo bilaabo dowladdii Madaxweyne Farmaajo ilaa dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxay muuqataa in mar walba la isku dayayo in dalka lagu hayo hal goobo wareeg ah. Maamul walba waxaa laga dhigayaa mid u muuqda inuu ka awood badan yahay dowladda dhexe, taas oo daciifineysa isku duubnida qaranka. Ujeeddada ka dambeysa arrintan waxay u muuqataa in lagu hor istaago dowlad xoog leh iyo shacab mideysan – maxaa yeelay haddii taas la gaaro, waxaa la waayi karaa danaha ay qaar ka mid ah beesha caalamka ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.
Waxaa aad looga xumaadaa marka la maqlo in “beesha caalamka ayaa diiday” dadaal kasta oo lagu dhisayo dowladnimada dhabta ah ee Soomaaliya. Haddii dhab ahaan loo oggolaan lahaa in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay ka madax-bannaanadaan faragelinta dibadda, maanta waxaa jiri lahaa dowlad xasiloon, nabad waarta iyo horumar muuqda. Laakiin sida muuqata, taasi ma ahan mid la doonayo.
Tani waa masiibo qaran oo ay tahay in laga dhiidhiyo. Waxa kaliya ee ka badbaadin kara Soomaaliya waa midnimo dhab ah oo shacabka iyo hoggaankoodu iska kaashadaan, iyaga oo ka feejigan danaha dibadda ee aan u daneeyn danta ummadda Soomaaliyeed