Home Wararka qaxootiga Qaxootiga Talyaaniga Wuxuu Markale Muhaajiriin u Wareejiyay Albania

Qaxootiga Talyaaniga Wuxuu Markale Muhaajiriin u Wareejiyay Albania

9
0
Qaxootiga Talyaaniga
Qaxootiga Talyaaniga

Qaxootiga Talyaaniga Talyaaniga oo markii labaad 26 Muhaajiriin ah u Wareejiyay Albania

Qaxootiga Talyaaniga : Dowladda Talyaaniga ayaa 26 magangalyo-doon ah u wareejisay xarumaha ay maamusho wadanka Albania, tallaabadan ayaa ah tii labaad oo uu talyaaniga ku geeyo halkaasi magangalya doonka tan iyo heshiiskii laba geesoodka ahaa ee labada dal.

Talyaaniga Wuxuu Markale Muhaajiriin u Wareejiyay Albania

Dawladda Talyaanigu waxay markale 26 muhaajiriin ah u wareejisay xarumaha ay ka maamusho dalka Albania, taasoo qayb ka ah hirgelinta heshiis muran badan dhaliyay oo labada dal horey u wada galeen. Wareejintan cusub ayaa daba socota tii hore ee bishii lasoo dhaafay oo 40 qof lagu geeyay isla xarumahaas.

Qaxootiga Talyaaniga : Markabka Spica oo laga leeyahay Talyaaniga ayaa dadkaasi kasoo qaaday dekadda Brindisi, waxaana la geeyay magaalada dekedda leh ee Shëngjin. Waxaa kadib loo wareejiyay xarunta Gjader oo 20 km u jirta gudaha dalka Albania. Xarumaheena waxaa gacanta ku haya shaqaale Talyaani ah, waxaana loogu talagalay in lagu hayo codsadeyaasha magangelyada inta go’aan laga gaarayo.

Qaxootiga Talyaaniga

Qaxootiga Talyaaniga
Qaxootiga Talyaaniga

Si kastaba, maxkamadaha Talyaaniga iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaleeceeyay nidaamka wareejinta. Xaaladaha lagu hayo dadka, helitaanka taageero sharciyeed, iyo qaabka loo kala xusho muhaajiriinta ayaa la sheegay in aysan ahayn kuwo hufan. Qaar kamid ah muhaajiriintii hore loo wareejiyay ayaa durba ku laabtay Talyaaniga sababo maxkamadeed iyo caafimaad awgood.

Wareejintan waxay muujinaysaa marxalad cusub oo ay Talyaanigu isku dayayaan in ay ku xakameeyaan socodka magangalyo-doonka iyadoo la adeegsanayo xarumo ku yaalla dal aan kamid ahayn Midowga Yurub, arrintaasoo weli muran adag dhalisay gudaha iyo dibaddaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here