Puntland iyo Jubaland waa laba kamid ah maamul goboleedyada ugu muhiimsan Soomaaliya, balse si iskumid ah uma taageersana danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Inkasta oo ay sharciyan hoos yimaadaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, haddana siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba waxay u muuqdaan kuwo ku tiirsan xulafo dibadeed oo leh dano gaar ah.
Puntland: Xiriir Isdaba-joog ah oo ay la leedahay Imaaraadka

Puntland waxay muddo dheer xiriir gaar ah la lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta, taasoo laga dareemay dhaqaalaha, siyaasadda, iyo amniga. Maamulka Puntland ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada Imaaraadka, taas oo mararka qaar keentay in ay ku kacdo tallaabooyin ka dhan ah dowladnimada dhexe ee Soomaaliya. Tusaale ahaan, heshiisyada lagu wareejinayo dekedaha iyo kheyraadka dabiiciga ah ee aan lala tashan dowladda dhexe waxay dhaawacayaan midnimada dalka iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Jubaland: Gacan Saar Siyaasadeed oo ay la leedahay Kenya
Dhinaca kale, Jubaland waxay si dhow ula shaqeysaa Dowladda Kenya, taasoo keentay in ay si toos ah uga hortagto isku day kasta oo dowladda dhexe ay ku doonayso in ay kusoo celiso gacanta dowladeed ee Jubbaland. Sidoo kale, Kenya waxa ay saameyn ballaaran ku leedahay siyaasadda Jubaland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo maamulka ciidamada. Tani waxay cabsi gelinaysaa beelaha kale ee ku nool Jubaland oo dareemaya in aysan helin sinaan siyaasadeed iyo fursado loo siman yahay.
Qabiilka iyo Qaran-dumisnimada
Labada maamul waxay u muuqdaan kuwo u adeegaya dano gaar ah oo qabiil ku saleysan, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo dhisaya Soomaali weyn oo mid ah. Qabiilka ay kasoo jeedaan madaxda labada maamul ayaa mararka qaar loo adeegsadaa si loo ciribtiro beelaha kale ee deegaanadaas la deggan, taasoo horseedaysa colaado sokeeye iyo kalsooni-darro guud.
Gabagabo
Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan mideeya, ee ma aha mid kala qaybiya. Puntland iyo Jubaland waa in ay dib u eegaan siyaasadooda si ay uga shaqeeyaan midnimo qaran, sinaan bulsho, iyo dowladnimo caddaalad ku dhisan. Soomaalida meel kasta oo ay joogaan waxay u qalmaan hogaamiye u dhaqdhaqaaqa horumar iyo wada-jir, ee ma aha kuwo gacan saar la leh quwado shisheeye oo kala qeybinaaya shacabka Soomaaliyeed.