Home Wararka Ciyaaraha PSG oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Champions League kaddib markii ay...

PSG oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Champions League kaddib markii ay 5-0 ku xasuuqday Inter Milan

4
0
psg

psg . Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay Champions League,

psg kaddib markii ay si xun u xasuuqday Inter Milan oo ay 5-0 kaga badisay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu qabtay Munich. Desire Doué, oo ah 19 jir mucjiso ah, ayaa labo gool dhaliyay, halka Hakimi, Kvaratskhelia, iyo Mayulu ay sidoo kale shabaqa gaareen.

psg

Gool deg deg ah oo PSG siiyay hogaanka

PSG ayaa ciyaarta si xoog leh ku gashay, waxaana Achraf Hakimi goolka furitaanka dhaliyay daqiiqaddii 12aad. Doué ayaa dhaliyay goolkiisa koowaad ee ciyaarta kaddib kubbad uu ka helay Dembele, taasoo Inter u sheegtay in guushu aysan iyaga u taallo.

Doué oo noqday xiddigga habeenka

Désiré Doué ayaa mar kale gool dhaliyay qeybtii labaad, isagoo ka dhigay natiijada 3-0. Waxaa lagu badalay sacab culus kadib bandhig heer sare ah oo uu sameeyay.

Kvaratskhelia iyo Mayulu oo xidhay ciyaarta

Kvaratskhelia ayaa dhaliyay goolka afaraad, halka Senny Mayulu, oo 19 jir ah, uu ciyaarta xidhay goolkiisii ugu horreeyay ee final-ka Champions League daqiiqaddii 86aad.

Guul taariikhi ah oo ay sugayeen sanado badan

Guushan ayaa ah tii ugu horreysay ee PSG ka gaarto koobka ugu weyn Yurub, iyadoo noqotay kooxdii labaad ee Faransiis ah ee ku guuleysata Champions League, kaddib Marseille oo 1993 ku guuleysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here