Liverpool : Shil naxdin leh ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Liverpool, UK, 26-kii May 2025, xilli ay socotay dabaaldegga kooxda Liverpool FC ee ku guuleysatay horyaalka Premier League. Liverpool
Goor ku dhow 6:00 fiidnimo waqtiga UK, gaari noociisu ahaa Ford Galaxy oo midabkiisu ahaa cawl, lagana lahaa deegaanka Liverpool, ayaa si ula kac ah ugu dhacay dad badan oo ku sugnaa waddada Water Street, kuwaas oo dabaaldegayay guusha kooxda. Darawalku waa nin 53 jir ah oo asal ahaan u dhashay dalka UK.Liverpool

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhaawacmay shilkaas, iyadoo dad goob joogayaal ah ay sheegeen in gaarigu si kas ah ugu jeestay dadkii, taasoo keentay argagax iyo jahawareer. Booliiska Merseyside ayaa darawalka xabsiga dhigay, waxaana goobta si degdeg ah u gaaray ciidamada gurmadka si ay u caawiyaan dhaawacyada.Liverpool

Weli lama caddeyn sababta ka dambeysay falkan, waxaana booliisku codsadeen in la sugo natiijada baaritaanka. Ra’iisul Wasaare Keir Starmer iyo mas’uuliyiinta magaalada Liverpool ayaa muujiyay naxdintooda waxayna ugu baaqeen dadweynaha in ay ka fogaadaan mala-awaalka ilaa ay baaristu dhamaanayso.Liverpool
sawirada muqaalka :Liverpool












